Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka Uganda oo xabsiga laga siidaayay

565

Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa Jimcihii dammaanad ku sii daysay Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka dalkaas, kaddib markii uu laba toddobaad ku jiray xabsi uu ku sugayay maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu rabshado hurinayay.

Besigye, oo 66-jir ah, ayaa 14-kii June lagu xiray caasimadda Kampala isagoo hogaaminayay mudaaharaadyo looga soo horjeeday qiimaha maciishada oo cirka isku shareeray, waxaana lagu eedeeyay hurinta rabshado maalintii xigtay.

Jimcihii qareennadiisu waxay codsadeen dammaanad mar kale, garsooraha maxkamadda ayaa ogolaaday in la sii daayo Besigye isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay in dammaanad qaadka eedaysanaha ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Wuxuu ku amray Besigye inuu bixiyo 2.5 milyan oo shilin ($665) oo damiin ah taasoo ka mid ah shuruudaha lagu sii deynayo. Waxaa lagu amray in markale maxkamada la soo taago 29-ka July.

Dadka reer Uganda ayaa muujiyay caro baahsan oo ay ka qabaan sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, saliidda cuntada, saabuunta, qamadiga iyo badeecadaha kale iyo diidmada dowladda ee ah inay soo farageliso macaamiisha.

Besigye ayaa ku baaqayay canshuur dhimis si loo dhimo sicir bararka, laakiin madaxweyne Yoweri Museveni ayaa diiday fikradda, isagoo ku eedeeyay qiimaha sare ee dagaalka Ukraine iyo masiibada COVID-19.