Wasaaradda biyaha Jubbaland oo dhagax dhigtay mashruuc biyo-galin ah. (Sawiro)

1450

Wasaarada macdanta Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland Ayaa Maanta Magalada Kismaayo ka Dhagax dhigtay Wajiga Labaad ee Mashruuca biyo galinta dagmada Kismayo kaas oo ay wado Shirkada Biyaha Jubba.

Dhagax-dhiga mashrucaan waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaarada Macdanta Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Wasiirka Wasaarada Degaanka iyo Dalxiiska Jubaland, Gudooniyaha Dagmada Kismaayo ,Agaasimaha Arimaha Bulshada ee Gobolka Jubada Hoose ,Madaxa Mashruuca Biyo Galinta Shirkada Biyaha Jubba iyo Masuuliyiin Kale.

ugu horeyn waxaa Goobta Ka Hadlay Madaxa Mashruuca Biyo Galinta Shirkada Biyaha Jubba Faysal Cabdiqaadir Waxaa uuna Sharaxaad Ka Bixiyay Mashruucan Biyo galinta degmada Kismaayo iyo heerarkii uu Soomaray, Dhanka Kale Waxa uu Sheegay in Dhagax-dhiga Maanta uu ahaa Wajigii ugu Dambeeyay Ee Mashruucaan Hada iyo Wixii Ka Dambeeyana ay Toos Ubilaabaneyso Biyo Galinta Dagamada.

dhanka Kale Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timojilic  ayaa Sheegay in Ka maamul ahaan ay soo dhaweeynayaan biyo galintaa magaalada ay aad ugu Baahneed biyo galin.

ugu dambeyntii adar Badan Muujiyaan Marka ay Wadaan Biyo Galinta Xaafadaha Madama ay jiraan Shirkado kale Oo Tuubooyin Ay Ugu Jiraan Dhulka.

Wasiirka Wasaarada Macdanta Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumad Ayaa Sheegay in mashruucaan Wajigiisii 1aad ay Daahfureen 09-01-2019 ilaa Maantana ay Wadaan Dadaalka ay ugu Jireen in degmada Kismaayo ay hesho biyo galin.

Mashruucaan Biyo Galinta Dagmada Kismaayo Ayaa Kusoo Aadaya Xili Magalada Kismaayo laga Dareemaayo Biyo Yari Aad Ubaahsan Shacabkana ay aad Ugu Baahi Qabaan in ay Helaan Biyo Nadiif ah.