Shir udhaxeeya madaxa Dowlada iyo dowlad goboleedyada oo ka socda garoowe

1201

Magaalada Garoowe ee caasimada puntland waxaa ka furamay kulan Gaar ah oo u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyadoo ay albaabadu u xeran yihiin madaxdu

Kulankaasi ayaa waxa uu u dhexeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo iyo Madaxda mkaamul Goboleedyada dalka ka jira ee ku sugan Magaalada Garoowe

Ilo xog ogoaalka ayaa sheegay in kulanka ka socda Garoowe looga hadlayo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxa maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Goobta uu kulanka ka socda  waxaa ku sugan Mdaxwenayasha Dowlad Goboleedyada  sida madaxwenaha  jubbaland mudane axmed maxamed islaam

Madaxwenaka koofur Galbeed  cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen Madaxwenaha Hirshabeele  maxamed abdi waare iyo Madaxwenaha Galmudug Axmed ducaale Geele xaaf

Waxaana lagu wadaa marka uu soo dhamaado kulanka in warbaahinta loo fafaahiyo waxa uu ku saabsanaa kulanka

Madaxwenaha soomaaliya mudane maxamed abdulahi farmaajo oo ka qeeb galay caleemasaarka  madaxda dowlada puntland  ayaa shegay in dowlada  federaalka ay ka go’antahy  adkeynta xiriirka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada