Xafiiska Hantidhowrka Jubbaland oo Daahfuray Warbixinta Sanadlaha Maaliyadda 2024

0
23
Xafiiska Guud ee hantidhowrka Dowlada Jubbaland, ayaa  Daahfuray war bixinta sanadlaha ah ee hanti dhowraha guud ee dowladda Jubbaland, sanad maaliyeedka ku dhamaaday 31 disembar ee 2024, Kaasi oo ay usoo gudbisay warbixin baaritan sanadedka 2024, gudiga maaliyadda ee golaha wakiilada Jubbaland iyo gudiga arimaha bulshada Jubbaland.
Agaasimaha xafiiska hanti dhowrka guud ee dowladda Jubbaland mudane Aadan Cali Maxamed oo la hadlay tvg Jubbaland ayaa sheegay in warbixinta sanadlaha ah ee ay maanta usoo gudbiyeen gudiga maaliyadda ee golaha wakiilada Jubbaland iyo gudiga arimaha bulshada uu ahaa mid muhiim ah.
Dhanka kale waxaa isagana tvga Jubbaland la hadlay, xildhibaan Aadan maxamed hire ahna ku simaha gudoomiyaha gudiga maaliyada ee barlamaanka Jubbaland, kaa oo sheegay inuu ku faraxsanyhay kasoo qaybgalka kulankani sidoo kale wuxuu sheegay inay la shaqeenayaan oo garab istaagi doonaan howlaha ay wadaan xafiiska hanti dhowrka Jubaland oo bulshada u haya adeeg mihiim ah oo lagu ilaalinayo hantida dowlada.
Xafiiska Hanti dhowrka Dowlada Jubbaland ayaa ah xafiiska bulshada iyo dowladaba u haya adeeg muhiim ah oo la xiriira Nidaamka dowliga iyo ku ilaalinta sharciga iyo kormeerida xafiisyada dowlada waxyaabaha ka socda.