Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dhageysatay Kiiska Eedeysane Lagu Eedeeyay Basaasnimo iyo Bambo Qarxin

0
33
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa  u fadhiisatay dhageysiga kiiska eedaysane Cabdiraxmaan Maxamuud Inshaar, kaas oo Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada ku soo eedeeyay fal dambiyeedyo ay kamid yihiin basaasnimo iyo kala gudbinta walxaha qarxa, iyadoo lagu soo qabtay Bambo gacmeed uu la damacsanaa in lagu dhibaateeyo bulshada reer Kismaayo iyo nawaaxigeeda.
Eedaysanaha ayaa qirtay inuu la falgalay kooxda A S, isla markaana uu kula heshiiyay kala gudbinta waxyaabaha qarxa, taa beddelkeedna loo balan-qaaday lacag dhan 500 dollar. iyadoo eedaysanaha maxkamadda ka hor sheegay in lagu qasbay falkaasi, isla markaana loogu hanjabay dil haddii uusan la shaqayn.
Guddoomiyaha Maxkamadda, Gashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa furay kalfadhiga maxkamadda, isagoo eedaysanaha weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedaha uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaalinta.
Intaasi kadib, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland ayaa guda-galay soo jeedinta eedaha iyo faahfaahinta dacwadda isagoona si faafaahsan usoo bandhigay eedaha loo heesto eedeeysanaha.
Dhankiisa, Abuukaate Cabdullaahi Cabdiraxmaan Kolamboos, oo ah qareenka difaacaya eedaysanaha, ayaa soo bandhigay dooddiisa sharciga ah ee uu ku difaacayay Cabdiraxmaan Maxamuud Inshaar isagoona si kulul u difaacay eedeeysanaha.
Waa dhageeysigii koowaad ee maxkamadeenta eedeeysanahan iyadoona maalmaha soo aadan ay maxkamada soo gabagabeento kiiska eedeeysanaha.