Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland oo Kormeeray Xerada Tababarka ciidamada Daraawiishta

0
63
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa maanta booqasho ku tagay Xerada Tababarka ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland.
Kulanka booqashada ayaa waxa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlada jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal ku wehlinaye Agaasimaha Wasaaradda, waxaana xerada si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland, Ismaaciil Saxardiid Keeysane, saraakiil, saraakiil-xigeenno, macallimiinta tababarka bixisa iyo ciidamo kale oo ka tirsan Daraawiishta.
Ugu horrayn, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxardiid Keeysane oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay booqashada wasiirka, wuxuuna sheegay in ciidamada tababarkooda uu dhowaan dhammaanayo isla markaana ay diyaar u yihiin u adeegidda bulshada iyo dowladdooda.
Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada marka hore Alle ka baqdaan ayna muujiyaan anshax iyo wadaniyad. Wuxuu xusay in booqashadoodu tahay mid lagu ogaanayo diyaar-garowga ciidamada tababarka dhammeysay isagoo kula dardaarmay u shaqeynta dalkooda iyo dadkooda.