Guddoomiyaha Degmada Dhobley oo Daahfuray Imtixaanka Fasalka 12aad ee Sanad Dugsiyeedka 2024/2025

19
Guddoomiyaha Degmada Dhobley ayaa maanta si rasmi ah oga daahfuray Degmada dhoobley imtixaanka fasalka 12aad ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2024/2025.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Jubbaland.
• Tirada Ardayda Imtixaanka u Fariisatay: 46 arday.
• 33 wiilal ah
• 13 Gabdho ah
Xarunta degmada ayaa si wanaagsan loogu diyaariyay dhammaan agabka iyo shaqaalaha loo baahan yahay si loo hubiyo habsami u socodka imtixaanka.
Guddoomiyaha degmada Dhobley ayaa ku boorriyay ardayda inay muujiyaan dadaal iyo karti si ay ugu guuleystaan imtixaanka, Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay waalidiinta iyo maamulka dugsiyada oo kaalin weyn ka qaatay diyaarinta ardayda.