
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay taliskii ugu weynaa ee kooxda argagixisada Daacish, kaasoo ku yaallay Miiraale. Ciidamadu waxay weerarka ku qaadeen dhawr jiho, iyagoo ka yimid dhanka Ceelka Biyaha, oo ahayd xaruntii ugu weynayd ee kooxda muddo ku dhow toban sano.
Tani waa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ay Puntland gaarto, waxaana la xaqiijiyay in si buuxda loo burburiyay taliskii ugu dambeeyay ee rasmi ahaa ee kooxda Daacish. Wararka la helayo waxay muujinayaan in xubno ka tirsan kooxda ay u firxadeen dhanka Togga Baalade’e.
Miiraale waa mid ka mid ah togagga ugu degaanno badan ee ku yaalla buuraleyda Cal Miskaat. Waxaa horey looga saaray kooxda argagixisada ah toggyada Jeceel iyo Ina Caadoole, kuwaasoo ku dhex yaalla degaano muhiim ah.
Cutubyada ciidanka ayaa weli ku jira howlgallo sifeyn ah oo ka socda Ceelka Biyaha iyo meelo kale oo ay kooxda ku lahaayeen saldhigyo.