
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Isbitaalka Guud ee Kismaayo Wafdi heer sare ah oo ka socda Hay’adda UNICEF, oo ay hoggaamineysay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed.
Wafdigu waxay booqasho qiimeyn ah ku sameeyeen Isbitaalka iyo Xarunta Kaydka Talaalka ee Jubada Hoose, si ay u darsaan adeegyada caafimaad iyo xaaladda kaydka talaalka. UNICEF ayaa ku ammaantay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland dadaalka ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka, iyagoo ballan qaaday inay taageero muuqata ku bixiyaan xoojinta adeegyada muhiimka ah.







