Dhaqanka Doolow oo ka digay fara galinta Xassan iyo kooxdiisa ee Gedo

24

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa kulan ku yeeshay degmadaasi, iyaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhibaatada ay Gobolka Gedo ka wadaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxda ka amar qaadata, taasoo ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah shuruucda dalka.

Sidoo kale, odayaasha ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka iyo caburinta loo geystay Golaha Guurtida iyo odayaasha dhaqanka ee Degmada Garbahaareey, xarunta Gobolka Gedo.

Waxay sheegeen in gobolka ay ka jirto nidaam iyo kala dambeyn ay hormuud ka tahay Dowladda Jubbaland.