Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose oo gudoomiyay Kulan Lagu Adkeynayo Amniga iyo Xuquuqda Aadanaha

27
Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jubaland ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Col. Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa  guddoomiyey kulan is-xog-wareysi iyo kala warqaadasho ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo.
Kulanka, oo ay kasoo qayb galeen saraakiil sare oo ka tirsan booliska iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya ka hortagga tacaddiyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey dadaallada lagu hormarinayo ammaanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Deegaannada Jubaland.