
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah war-murtiyeed uga soo saaray dhacdadii ka dhacday gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War-murtiyeedkaasi ayaa lagu cambaareeyay hab-dhaqanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo lagu eedeeyay inuu si aflagaado ah ula dhaqmay qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka.
Hoggaamiyayaashan siyaasadeed ayaa sheegay in hadalka iyo hab-dhaqanka Guddoomiyaha uu dhaawacayo sumcadda hay’adda sharci-dejinta dalka, isla markaana uu caqabad ku yahay hanaanka dimuqraadiyadda iyo wada-shaqaynta xubnaha baarlamaanka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la ilaaliyo anshaxa iyo qiyamka ku dhisan wada-tashi iyo ixtiraam si loo dhowro midnimada golaha.