Jubbaland oo Qarameysay Ciidamo Cusub oo Kamid noqon doona Daraawiishta Jubbaland

19

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, taas oo ay Dowladda Jubbaland ku qarameysay ciidamo tiro badan oo ku sugnaa magaaladaasi, si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta ee dowladda Jubaland.

 

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa odayaasha dhaqanka, Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Al-Qaadi, Guddoomiyaha degmada Baladxaawo Mudane Cabdicasiis Xareed, Taliye ku-xigeenka ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo G/le Cali Xasan Deer (Cali Abshir), saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland.

 

Mas’uuliyiinta ka socday dowladda Jubbaland ee maanta la wareegay ciidamada ayaa sheegay in laga bilaabo hadda ay ciidamadan si buuxda uga mid noqon doonaan ciidamada Daraawiishta dowladda Jubbaland, meel kasta oo ay joogaan.

 

Ciidamadan cusub ayaa kaalin weyn ka qaadan doona sugidda amniga iyo xoojinta hay’adaha ammaanka ee dowladda Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.

 

Bulshada magaalada Baladxaawo ayaa si weyn u bogaadisay tallaabada ay qaaday dowladda Jubbaland, iyaga oo sheegay in ciidamada la qarameeyay ay door muuqda ka ciyaari doonaan sugidda amniga deegaanka.