Wafdi Ka Socda Hay’adaha Qaramada Midoobey oo Kormeer Bini’aadannimo Ku Tagay Degmada Afmadow

46
Wafdi heer caalami ah oo ka socday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada, oo ay hoggaamineyso madaxa isku-xirka mashaariicda ABC/Operation Cell, Mrs. Chandara Jeevanthan, ayaa soo gaaray magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiintan ayaa waxaa hoolka shirarka degmada Afmadow ku qaabilay Guddoomiye ku xigeenka ahna ku-simaha Duqa magaalada iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigu ayaa waxa uu booqday qeybo ka tirsan xarumaha kala duwan ee magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Ujeedka socdaalkan ayaa ahaa indha-indhayn iyo u kuur-galidda xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanka’ si gaar ah, waftigan ka socday hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada ayaa kormeer ku tagay xarumaha caafimaadka ee dadweynaha iyo goobaha ay ku suganyihiin dadka barakacayaasha ee ku nool degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.