
Wasiirka Wasaaradda haweenka, arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Dowladda Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdulahi (Juraati) ayaa Agabyo Caafimaad ku wareejisay Sadex isbitaal oo kamid ah isbitaalada ku yaala Degmada Kismaayo.
Agabkaan Caafimaad ayaa ahaa Sariiro Casri ah oo loogu talagalay in ay ku dhalaan hooyooyinka uurka leh, isbitaalada Maanta ay Wasaaradda Ku wareejisay Sariirada iyo agabka kale ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Weyn ee Degmada Kismaayo, Isbitaalka Ciidamada Jubbaland iyo Isbitaalka sida gaarka loo leyahay ee Daryeel oo kamid ah isbitaalada ku yaala degmada kismaayo.