
Wasaaradda Haweenka, Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland iyo Hay’adda Naafada Qaranka ayaa agabyo Muhiim ah oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Sida Kuraasta dadka lixaadkooda aan dhameystirneen (Wheelchairs), Biraha Socodka, Agabka Dadka Araga La’a, iyo kuwa kale Muhiim u ah dadka lixaadkooda aan dhameyn ku wareejiyeen Boqolaal kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Qeybta 1aad ee Barnaamijkaan ayaa waxaa ka faa’iideystay 250 kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo ay Munaasabada Wareejinta Agabkaan ay Goob joog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Gudoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Maxamed Cabdulle Jaamac, Gudoomiyaha Dallada Naafada Jubbaland, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubada Hoose iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Haweenka, Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlada jubbaland.