
Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa shir guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta amniga Doolow oo ay kasoo qeyb galeen dhamman saraakiisha amniga qeybahooda kala duwan iyo guddi xafadeedyada .
Saraakiisha amniga ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca amniga iyo qorshaha sugida amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doona sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyada degmada iyo deegaanada hoosyimida.
Gudoomiyaha ayaa saraakiisha qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Darawiishta Jubbaland, Nabad Sugida iyo guddiyada xafadaha ku booriyay adkeynta amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ahan ee degaanka.