Ciidamada Ammaanka Baardheere oo toogasho ku dilay dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta

27

Ciidamada ammaanka ee Degmada Baardheere Gobolka Gedo, ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta AS oo isku dayay inuu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Israsaaseyn dhexmartay dhagarqabaha oo hubeysnaa iyo ciidamada ammaanka ayaa sababtay dhaawaca labo qof oo shacab ah, halka dhagarqabihii lagu khaarajiyey goobtaas, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay hubkii uu watay.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan dhagarta cadawga ee laga soo maleegayo magaalada banaankeeda, taas oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka.