Boliiska Degmada Kismaayo oo gacanta ku dhigay dhalinyaro ku eedaysan ciyaal weeranimo.

23
Maamulka degmada Kismaayo iyo taliska booliska oo iskaashanaya ayaa soo uruuriyay dhalinyaro lagu eedeeyay dhibaataynta bulshada iyo ciyaal weero.
Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee degmada Kismaayo, Farxaan Maxamuud Farax, Guddoomiyaha xaafada Calanley, Cusman Faarax Baando, iyo Taliye ku-xigeenka rugta Katarbiilka, Maxamed Kaliil Deerow, ayaa warbaahinta u sheegay in aan la aqbali karin in Kismaayo ay ka bilaabato dhalinyaro ciyaal weero ah, taasina aysan suura gal ahayn, gacanna lagu qaban doono cid kasta oo ka shaqeynaysa wax kasta oo amniga wax u dhimaya.