Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland oo deeq raashiina gaarsiiyay dad barakacayaal ah

29
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland oo kaashaneysa Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa Deeq Raashin ah gaarsiisay dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Deeqdan, oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dadka danyarta ah ee ku noo Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ka faa’iideystay 800 oo qoys oo si gaar ah ugu baahnaa kaalmo maadaama aysan awoodin inay helaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay ugu baahan yihiin bisha barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, Cali Aadan Cali, ayaa faahfaahiyay howlgalka gaarsiinta deeqdan, Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland dedaalka ay ugu jirto caawinta Dadka nugul ee Bulshada.
Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Deeqdan aysan ku filnayn baahiyaha ka jira Magaalada, Wuxuu baaq u diray hay’adaha Samafalka ee ka shaqeeya Jubbaland, isagoo ku boorriyay inay door muhiim ah ka qaataan taageerada Dadka tabaaleysan ee u baahan garab istaagga iyo kaalmada degdeg ah.