
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku qaabilay
Madaxa Xafiiska UNTMIS ee Jubbaland Mr Arnaldo.
Shirkaan uu Wasiirka la qaatay Masuuliyinta UNTMIS ee Jubbaland ayaa waxaa ku Waheliyay qaar ka mid ah Hawalwadenada Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta UNTMIS iyo Dowladda Jubbaland sidi loo Dardargalin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa UNTMIS iyo Dowladda Jubbaland, iyo sidoo kale Khilaafaadka siyaasadeed ee ka Jira Dalka in aysan ku dhex milmin.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa Masuuliyinta UNTMIS ee Jubbaland uga mahadceliyay garab istaaga iyo taageeridda ay Marwaliba lagarab taagan yihiin Dowladda Jubbaland.