Xubnaha Golaha Wakiilada Jubbaland oo ka dooday hindisa sharciyeedka mamnuucida naafeenta xubnaha taranka haweenka

18

Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa maanta waxa ay kulan la yeelatay Golaha wakiilada  Jubbaland kulanka oo ahaa La tashiga xubnaha Golaha wakiilada  Jubbaland ee hindisa sharciyeedka mamnuucida naafeenta xubnaha taranka haweenka iyo caruurta dhediga ah

La tashiga hindi sharciyeedka maanta Wasaarada ay la yeelatay Golaha wakiilada  Jubbaland ayaa looga dooday qaar ka mid ah qodobada ku jira sharciga mamnuucida naafeenta xunbaha taranka haweenka iyo caruurta dhediga ah

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Jubbaland Miski Yuusuf Cali oo kulanka Baarlamaanka ay la yeelatay ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in wixii qalad loo fahmo ee ku jira xeerka in si wada jir ah uwada sixi doonaan waxa ayna ka codsatay Baarlamaanka Jubbaland in ay xeerka meelmariyaan si loo ilaaliyo xuquuqda haweenka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland..