Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowladda Jubbaland oo xukuno kala duwan ku ridey 5-eedaysane

21

Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowladda Jubbaland ayaa Maanta u fadhiisatay dhagaysigii labaad dacwada loo haysto eedaysanayaasha kala ah Habane Hurre Cabdi ,Maxamed Deerow Cabdi , Iimaan Xassan Maxamed ,Maxamed Aadan Qooshow iyo Maxamed Aadan Cabdullaahi oo dhamaantood ku eedeysan dil ay u geysteen Marxuum Shomow Mu’min Iimaan .

Fadhiga Maxkamada ayaa Waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Ku xigeen, Xeer ilaaliyaasha Ciidamada qalabka Sida ee Jubbaland iyo Ehelada eedeysanayaasha.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga labaad ee dhagaysiga gar maqalka Maxkamada asagoo Faah-faahin ka bixiyay Kiiska ay Maanta Maxkamada ufadhido.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay Kiisaska ay ku eedeysanyihiin eedeysanayaasha Maxkamada Saaran iyo qaar kamid ah cadeymaha lagu hayo.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa soo xeray Fadhiga Maxkamada waxaana shantii eedaysane ay maxkmadu ku ridey xukuno kala duwan.

Habane Hurre Cabdi, Maxamed Deerow Cabdi, Maxamed Aadan Qooshow iyo Maxamed Aadan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay min 2 sano oo xabsi ciidan ah iyo magta marxuum Shomow Muumin Iimaan.

Halka Iimaan Xassan Maxamed ay Maxkamadu wax dambi ah ku waaysay xoriyadiisana dib ugu celisay.