![FB_IMG_1739340913138](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739340913138-1-696x522.jpg)
Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi, ayaa soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo soo dhammeystay tababar gaar ah, isla markaana ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Afhayeenka Gobolka Gedo, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Doolow, iyo Saraakiisha Amniga Degmada Doolow.
Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi, ayaa kula dardaarmay cutubyada ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow iney dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Degmada Doolow ayaa xusay in howlgallo laga bilaabayo wadada isku xirta Doolow iyo Luuq. Sidoo kale, bulshada Geedweyne iyo deegaanada kale ee Khawaarijta ku dhibaateeyso laga kor qaadi doono.