![476005136_593389317015381_3226047783717080949_n](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2025/02/476005136_593389317015381_3226047783717080949_n-696x392.jpg)
Qaar ka mid ah Xildhibaanada dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Doolow, gobolka Gedo, oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta Dowladda Hoose ee degmada Baardheere. Weerarkan, oo dhacay aroornimadii hore ee saaka, ayaa waxay sheegeen inuu ahaa dhagar laga soo abaabulay xafiiska Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedada weerarkaas ay ahayd in colaad laga dhex abuuro bulshada walaalaha ah ee wada degan degmada Baardheere.
Waxay ku tilmaameen tallaabadaasi ay ahyed mid loogu talagalay in shacabka la isku diro si loo fuliyo dano gaar ah.
Waxay shacabka ugu baaqeen inay hal meel uga soo wada jeestaan isku dirka iyo iskahorkeenka uu Xasan Sheekh doonayo inuu ka dhex abuuro bulshada. Waxay ku adkeeyeen in dadka deegaanka ay mideeyaan xooggooda, isla markaana garbsiiyaan maamulka si ay uga hortagaan shirqoollada noocan oo kale ah.
Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii wiilashii ku geeriyooday dagaalkii saaka ka dhacay degmada Baardheere.
![](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/476005136_593389317015381_3226047783717080949_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=107&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=icLTHBD5nKIQ7kNvgFthEJH&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&_nc_gid=AUnMuwo2P1fjHI9C3ZVD0ji&oh=00_AYAoRdYhr3ENFZAeXSctirfuZ1ZX1Pc-aWhlcIGvJVYduw&oe=67AA16F5)
![](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/475850792_593389380348708_7134090613755996284_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=106&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=ZQwy7VDCWTUQ7kNvgEu-qsZ&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&_nc_gid=AUnMuwo2P1fjHI9C3ZVD0ji&oh=00_AYB56139mCeHp6Rh75SMwkbXzVm9R0S7SywsRyMZ2J3tDw&oe=67AA357C)
![](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/475993815_593389447015368_6181456181266630902_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=103&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=ZhU9-36wxS0Q7kNvgGZlckO&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&_nc_gid=AUnMuwo2P1fjHI9C3ZVD0ji&oh=00_AYAt__nx0IplhgRLDpVH54PoAAE45tpY7cduu5SOrZVSwg&oe=67AA1A79)
![](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/475998737_593389510348695_8561809581063176256_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=111&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=34RzbYba200Q7kNvgFpQAzb&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&_nc_gid=AUnMuwo2P1fjHI9C3ZVD0ji&oh=00_AYBhNT11ggQBnsFCJAHXxYkedvcDxIM8fWFSXPXoyyiNpQ&oe=67AA3CF3)
![](https://scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/475850859_593389563682023_4254226076620382101_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600_tt6&_nc_cat=106&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_ohc=M8dZFpoE_zcQ7kNvgEUJzWl&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&_nc_gid=AUnMuwo2P1fjHI9C3ZVD0ji&oh=00_AYDW6GYZToJLqTfdsBU-2KWKMU1ocsDsOEvGrZ9XxdDE8A&oe=67AA3C3F)