Qaar ka mid ah Golaha wasiirada Dowlad Jubaland oo Kormeer Shaqo ku Tagay Deegaanada Hoos Yimaada Tuulada Goobweyn.

27
Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland, oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaano ka fog waddada laamiga ah ee hoostaga Tuulada Goobweyn.
Deegaanada la booqday ayaa kala ahaa Dooxa Garasey, Daarusalaam, Dabaylwayne, Qayla-dheere, iyo Yaaqooti,
Ujeedada socdaalka ayaa ahayd qiimeynta adeegyada bulshada, baahiyaha ka jira goobahaas, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah ee kaabayaasha nolosha.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa qeyb ka ahaa wafdiga kormeerka shaqo ku marayay deegaanadaas, isaga oo kula kulmay dadka deegaanka si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan duruufaha nololeed ee ay la tacaalayaan.
Kormeerka ayaa la filayaa in uu horseedo qorsheyaal lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee deegaanada hoos yimaada Tuulada Goobweyn, iyada oo laga faa’iidaysanayo xogaha laga soo uruuriyay intii uu socdaalka socday.