Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Jubbaland ayaa Magaalada kismaayo ka daah-furtay Siyaasadda Maareynta Musiibooyinka Jubbaland.
Kulankaan oo ahaa Mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha jubaland, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta
Jubbaland, Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka Jubbaland, Wasiiru Dowlaha Wasaradda Waxbarashada Jubbaland, Agaasimaha arimaha Bulshada gobolka, Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Degmada, hay,adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda gargaarka, odayasha dhaqanka, haweenka, iyo saraakiil ka socotay Wasaaradaha kala duwan ee Dowlada jubbaland.
Intii uu socday kulanka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Jubbaland ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo Siyaasadda ay Wasaaradda kaga hortagi doonto abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda Sanad Walba asagoona ka codsaday Wasaaradaha kale ee doorka ku leh iney qeybtooda ka qaataan hormarinta Siyaasadaan.