Jaaliyadda reer Jubaland ee ku nool dalka Canada ayaa deeq geel ah ugu deeqday ciidamada Jubaland ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay u taageeraan halganka adag ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
Talaabadan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo ciidamada geesiyaasha ah ee Jubaland, taasoo astaan u ah wadajirka iyo taageerada shacabka u hayaan ciidamada.
Maxamed-Kaafi Muxumed Gaas Cali iyo Tufaax Maxamuud Sayid Cabdi Kariin Sayid Maxamed, oo ka tirsan Madasha Ardaaga Xiinaha Club House, ayaa deeqda u wakiishay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Jubaland, si ay ugu gaarsiiyaan ciidamada Daraawiishta.
Intii lagu guda jiray wareejinta, qurbajoogtu waxay ciidamada kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xoraynta dhulka Jubaland ee weli ku jira gacanta cadawga.
Deeqdan dhiirrigelinta ah ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, General Ismaaciil Saaxardiid Kaysane, waxaana guddoomiyay Yuusuf Cabdi Cabdullaahi, oo ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Jubaland, isla markaana wakiil ka ahaa qurbajoogta. Yuusuf ayaa sheegay in deeqdani ay astaan u tahay sida qurbajoogtu u garab taagan yihiin ciidamada, si ay u joogteeyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, General Saaxardiid, oo hadal ka jeediyay munaasabadda wareejinta, ayaa si weyn ugu mahadceliyay qurbajoogta reer Jubaland ee ku nool Canada. Wuxuu ku ammaanay kaalintooda muuqata ee ku aaddan taageerada ciidamada, isagoo ku boorriyay jaaliyadaha kale ee qurbaha inay qaataan doorkooda, si loo xoojiyo howlgalada lagu xoraynayo dhulka Jubaland.
Jaaliyadda reer Jubaland ee qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Canada, ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaarayay taageerada ciidamada Jubaland. Deeqdan ayaa qayb ka ah dadaallo joogto ah oo lagu dhiirrigelinayo ciidamada, si ay ugu guuleystaan halganka adag ee lagula jiro kooxaha argagixisada ah. Tallaabadani waxay tusaale fiican u tahay midnimada iyo isku xirnaanta dadka Jubaland ee gudaha iyo dibadda.