DEGMADA DOOLOW OO AAS QARAN LOGU SAMEEYAY NABADOON SHIRE DHAALLAHOOW NUUR.

47

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Siyad Aadan oo ay wahelinayan Wasiirka amniga gudaha Jubbaland, Xildhibaano katirsan Golaha wakiilada Shacabka Jubbaland, Gudoomiyaha gobalka Gedo, Saraakiil ciidan, Maamulka degmada Doolow iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kaqeybaglay galabta Aas-Qaran oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Nabadoon Shire Dhaallahoow Nuur oo kamid ahaa dhaqanka iyo haldoor gobalka iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Aaska Qaran waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Odayaasha dhaqanka Gobalka Gedo, culimada, Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Nabadoon Shire Dhaallahoow Nuur.