Wafdiga Dawladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa fidiyay gogol wadatashi oo looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa khataraha jira.
Wafdigan, oo ka kooban labada gole ee Dawladda Jubaland, Maamulka heer Gobol, iyo heer Degmo, ayaa isku raacay in la qabto gogol nabadeed . Shirkan nabadeed ayaa lagu wadaa in lagu qabto Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey, taariikhdu markay tahay 15-ka Abriil 2025.
Wafdigan ayaa sidoo kale ugu baaqay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inay si degdeg ah u furaan garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow, oo mudo dheer Sabab la,aan u xidhan..
Ugu dambayn, guddiga ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Doolow, ciidamada amniga, iyo bulshada deegaanka sida wanaagsan ee ay u maareeyeen dhacdadii Fooshaxumayd ee ay ciidamo amarka khaldan lasiiyay ka fuliyeen Dagmada Doolow.