Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo Bogaadiyay Howlgalka Puntland ee Ka Dhanka ah Argagixisada

27

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah.

 

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

 

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalkan.