Qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada si ay taageero ugu muujiyaan go’aanka Golaha Wasiirada dowladda Jubbaland ee ku saabsan fashilka hoggaaminta Xasan Sheikh Maxamuud.
Banaanbaxa waxaa soo qabanqaabiyay ururada bulshada rayidka, waxaana dadweynaha ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin in la siyaasadeeyo adeegyada bulshada, gaar ahaan xayiraadaha garoomada diyaaradaha iyo xayiraadda deeqaha caalamiga ah.
Shacabka ayaa cambaareeyay ficilada Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka hor imaanayaan dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah.