Xildhibaan Cabdiqaadir Jaylaani iyo Mas’uuliyiin kale oo Booqday Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee Degmada Baladxaawo

30

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaylaani, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho shaqo ugu tagay Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee ka hawlgala Degmada Baladxaawo.
Booqashadan waxaa Xildhibaanka ku wehliyay Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo, Cabdicaziiz Xareed, iyo ku xigeenkiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ugu mahadceliyay Ciidanka Daraawiishta Jubaland shaqada adag ee ay bulshada u hayaan, iyo sida ay mar walba uga shaqeeyna sugidda amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaylaani iyo Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo ayaa sidoo kale boorriyay ciidamada inay sii wadaan dedaaladooda, lagu horumariyaan nabadgelyada degmada iyo ka hortagga wax kasta oo keeni kara amni-darro ama khataro soo food saari kara bulshada deegaanka.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah uga mahadceliyay ciidanka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen xasilinta iyo ka hortagga falalka amni-darro ee dhici kara, taasoo qeyb ka ah dadaalada dowladdaba Jubaland ee ku aaddan sugidda amniga guud ahaan Gobolka Gedo.

Ciidanka Daraawiishta Jubaland ee Baladxaawo ayaa muddo dheer ku howlan ilaalinta amniga degmada, iyagoo si wadajir ah u fulinaya hawlgallo amaanka kor u qaadaya iyo ka hortagga kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada.