Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi oo dhawaan uu u magacaabay madaxweynaha dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo wareysi siiyey Radio kismaayo ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaalka degmada Badhaadhe.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay inuu hadda uu ku suganyahay aaga Raas kaambooni ayna ku howlanyihiin sidii u soo qaban lahaayeen raga ku soo duulay mar walbana ay diyaar yihiin saacadaha soo socdana ay ku wajahan yihiin Raas kambooni
Sidoo kalena waxaa uu ugu baaqay shacabka iyo ciidamadaba in ay lashageeyaan si deegaanka loo difaaco.
Si kastaba ha ahaatee hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili ciidamada dowlada Jubaland howlgalo amni ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.