Ciidamada Daraawiishta Dowlada Jubbaland oo howlgal qorshaysan cagta ku mariyey Tuulooyin ay Shacabka ku dhici jireen khawaarijta

110
Ciidamada Daraawiishta Dowlada Jubbaland ee fadhigooda uu yahay Deegaanka Janaa-cabdalle Ayaa Howlgalo qorsheysan ka Sameeyay Deegaano iyo Tuulooyin Ku teedsan Janaa-cabdalle halkaas oo ay ku baac-sadeen Xubno kamid ah Kooxaha Khawaarijta Oo halkaas ku dhuumaaleysanayay.
Saraakiisha Hogaamineysa Howlgalka ayaa Sheegeen in Ciidamada geesiyaasha ah Ee Jubbaland cagta mariyeen Tuulooyin ay Shacabka ku dhici jireen khawaarijta kuna qaadanayeen lacago baad ah.
Dowlada Jubbaland Ayaa Muhiimada Koowaad siineysa la dagaalanka Kooxaha Khawaarijta oo duulaan ku ah nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed ayadoo Dowlada Fadaraalka ay xagal-daacin ku wado dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta isla markaana Fidno horle ay ka abuureyso Deegaano Nabad ah oo horay looga xoreeyay Khawaarijta.