Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay fargalinta iyo colaada ay ka hurinayso dowladda federaalka Soomaaliya dowladda Jubbaland, isaga oo taageero wayn iyo garab istaag u muujiyay madaxweynaha la doortay ee dowladda jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Shariifka ayaa sidoo kale ka horyimid tallaabada milatari ee ay qaaday dowladda dhexe, isla-marlaana ciidamada lagu geeyay deegaanada Jubbaland ka tirsan Jubbaland , wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay sababi karto in uu dhiig ku daato.
“Maanta waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka lasoo adeegsanaayo waa xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro mana jirin baaho loo qabo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.