
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan wadatashig ah Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.
Xildhibaanada oo ku yimid martiqaadkii Madaxweynahu uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal si wadatashi balaadhan looga yeesho xaalada guud ee siyaasada dalka ayaa wada latashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo hogaanka Dowladda Jubaland.




