Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda oo Daah-furay Qorshaha u Diyaargarowga Abaaraha ee Jubbaland oo ay Hoggaaminayso Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

74
Madaxweyne ku xigeeenka koowaad ee Dowaladda Jubbalan mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa maanta xarigga ka jaray daah-furka qorshaha u diyaar garowga abaaraha oo ay ka wada shaqeen doonaana ilaa sideed Wasaaradood’ waxaana qorshan ka hortagga abaaraha laga fulin doonaa qeybo kamid ah damooyinka Jubbaland.
Barnamijkan ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Gargaarka iyo Maarenyta Musiibooyinka Jubbaland waxaana ka so qeyb galay Wasiirada Wasaarada Beeraha, Arimaha gudaha, Gargaarka, Xanaanada Xoolaha, Kaluumeysiga, Wasiir kuxijeenka Wasaaradda Gargaarka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka, Gudoomiyaha gobalka Jubada hoose, Gudoomiyaha dagmada Badhaadhe, xubno kasocday Daladda JUNSA iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arimaha gargaarka kana howlgala Jubbaland.
+17