Beesha Sade oo Taageeray go,aankii Madaxweynaha dowladdaa Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam

85
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Sheekh Maxamed Islaam, ee ku saabsan doorashooyinka iyo garab istaaga Madaxweynaha ee ilaalinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Beesha Sade, oo ka mid ah beelaha deggan deegaanada Jubbaland, ayaa waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.
Odayaasha dhaqanka ee Beesha Sade oo ka hadlay munaasabadda ayaa si xooggan u taageeray Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo caddeeyay inay mar walba garab iyo gaashaan u yihiin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Waxay sidoo kale iftiimiyeen in beeshani ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, xasilloonida iyo dhismaha dowladnimada Jubbaland, iyadoo ay ku ammaaneen madaxweynuhu inuu ka go’an yahay daryeelka bulshada iyo horumarinta Jubbaland.
Odayaasha ayaa ku booriyay bulshada inay si buuxda uga qayb qaataan horumarinta deegaannada Jubbaland iyo ilaalinta dastuurka, iyagoo carabka ku adkeeyay in shacabka Jubbaland ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadgelyo, cadaalad, iyo horumar si loo gaaro mustaqbal ifaya.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd mid lagu muujinayo taageero buuxda ee shacabka Jubbaland ee ku aaddan doorkooda siyaasadeed iyo midnimadooda ee Madaxweynaha iyo sida uu mar walb u ilaaliyo dastuurka federaalka ee Ummada soomaliyeed ay ku heshiiyeen ciwaan qurux badan iigu samee warkaana.