Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo barnaamij wacyi galineed ka wada mid kamid ah deeganada khawaarijta laga xoreeyay.

88
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Dowlada Jubbaland oo gudanaysa waajibaadkeeda ayaa wacyigalin dadweyne oo la xiriira xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta uqabatey dadka deegaanka Janaa Cabdalla ee gobalka Jubbada Hoose iyo tuulooyinka ku hareereesan si bulshada loo gaarsiiyo dowlad wanaaga iyo ka digtoonaanta fikirka xagjirka iyo dhagarta khawaarijta.
Barnaamijkan wacyi galineed ayaa waxaa horkacayey La-taliyaha Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Abdiwaahid Haaji, iyada oo ay qayb ka ahaayeen masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Jubada Hoose, Muuse Maxamed Sheikh, Agaasimaha Arimaha Bulshada Gobolka Jubada Hoose Jaamac Ugaas Cabdullah , iyo xubno ka socday Wasaaradaha bahwadaagta la ah wasaaradda.