Wasiir ku xigeenka Kaluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee dowladda jubbaland Jowhar kaga qeyb galay shirka hormarinta Kaluumeysiga .

138
Wafti uu hoggaaminayo wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo ay xubno ka yihiin Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federeaalka ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wasiirka Ku xogeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland mudane Mohamed Omar Bunu oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamud Cabdi Axmed ayaa Qeyb ka ahaa Wafdiga Maanta Gaaray Magaalada Jowhar.
Ujeedka socdaalka waftiga ayaa ah qabsoomidda shirka 4-aad ee Golaha sare ee Mamaulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) kaas maanta si rasmi ah uga furmaya Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha hortabinta u leh Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Qaranka, hirgalinta qorsheyaal qaran kuwaas oo horseedaya in si hufan looga faa’iideyso kheyraadka Kalluunka ee badaheenna, isla-maareynta Kalluumeysiga iyo ka hortagga xaalufka iyo jilaabashada xad-dhaafka ah ee biyaha Soomaaliya.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS mudane Axmed Xassan Aadan ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay kaalin muhiim ah siineyso isku xirnaanta dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed sidaa darteedna uu shirkaan qeyb ka yahay maamul daadajinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluunka ee dalkeenna si wada jir ah looga arrinsado la isagana kaashado sidii loo horumarin lahaa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa yeelanaya kulanka guddiga farsamo ee Golaha kaas oo ay uga doodi doonaan muhiim ah waxaana qodobada ay soo saaraan lagu meel marin doonaa shirka heer wasiir ee Golaha kaas oo qabsoomi doona maalinta berri ah.