Wasiirka Qorshaynta Jubbaland oo kullan dalka Norway kula qaatey Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway

79
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa Manta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Norway, kulan miro dhal ah kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway u qaabilsan Soomaaliya Mr. EINAR RYSTAD.
Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taagerada kala duwan ee Dowladda Norway ay la garab taagantahay Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.