Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jubbaland Mudane Sadik Abdi ayaa ka qayb galay Madasha Daryeelka Bulshada ee Xasaradaha iyo Colaadaha:
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay Dhisidda iyo ilaalinta nidaamyada daryeelka bulshada iyada oo loo marayo isku xirka bini’aadamnimada, horumarinta, iyo nabadda.
Shirkan aya ka dhacay xarunta dexe ee WFP ee caasimada dalka Talyaniga ee Roma, Madashan oo ay isugu yimaadeen khuburo caalami ah, wakiillo dowladood, iyo deeq-bixiyayaal ay kamid yihiin FCDO, World Bank, USAID, BMZ, WFP, iyo UNICEF. Shirkan ayaana marka uu soo dhamaado laga soo saari doonaa qorshooyiin cad cad oo kor loogu qaadayo taakuleynta qaybaha kala duwan ee bulshada nugul ee wadamada kaso kabanaya Xasaradaha iyo Colaadaha.