Wasaaradda Maaliyada Jubbaland oo soo xirtay kullan maaliyadeedka miisaaniyadda sanadka .

147
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland ayaa soo xirtay kulan looga doodayay miisaaniyadda Dowladda Jubaland ee sanadka 2025-ka.
Kulankan oo ay soo xaadireen xubno kamida Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland, qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaar kamid ah Ardeyda wax ka barata Jaamacadaha magaalada kuwaas oo dhamaantooda si waafi ah uga dooday sida ugu wanaagsan ee kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda Dowladda iyo sidii loosii horumarin lahaa korarka miisaaniyadda Dowladda.
Kulamadan oo socday mudo afar maalin ah ayaa aad muhiim ugu ahaa bulshadii kasoo qayb gashey, maadaama uu ahaa talooyin iyo kala war qaadasho, waxaana si wanaagsan la isugu af gartey in laga wada shaqeeyo horumarintya dhaqaalaha Dowladda iyo kobcinta miisaaniyadda, si guud kasoo qayb galayaasha ayaa soo jeediyay in si fiican looga faaโ€™iidaysto canshuurta Dowladda iyadoo loo marayo hab sharci ah markasta talo lagu soo celiyo bulshada si looga mira dhaliyo qorshaha korarka miisaaniyadda Dowladda.