Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka degmada Kismaayo dhamme Cabdi Shakuur Sheikh Dhayib oo fariin udirey bulshada magaalada kismaayo gaar ahaan dadka gaadiidlayda ah ayaa farey inay ilaaliyaan nidaamka wada marista sidookalana ay dhowraan bad qabka bulshada iyo wadooyinka cusub ee dhawaan la hir galiyay ee magaalada .
Waxaa uu taliyuhu sheegay in looga baahan yahay muwaadinka soomaaliyeed inuu shuruucda u ilaaliyo sida uu u ilaaliyo marka uu tago dalalka kale ee caalamka oo uu muujiyo lahaanshiyo .
Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xili todobaad-yadii ugu danbeeyay la arkayay gaadiidleey ku xad gudbaysa nidaamka wada marista gaar ahaan kuwa isticmaalaya meelaha loogu tala galay inay dadku maraan.