
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay barnaamijka Badmaal.
Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kalluunka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka baddeena hodanka ah ee ceegaaga.