Sirdoonka Dowlada Jubbaland oo ka war helay dhagarta Khawaarijta ayaa sahashay khaarajinta tiro khawaarijta ka tirsan oo maraaye mel u dhow lagta caanoole 15 Km u jirta Deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubada Hoose.
Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Daraawiishta oo aan goor dhow la xiriirnay ayaa warbaahinta Dowladda Jubbaland u xaqiijiyay inay ka war heleen xogta khawaarijta sidaasna lagu gubay gaari ay la socdeen koox khawaarijta ka tirsan.
Sargaalka aanu la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in dhawaan ay warbaahinta la wadaagi doonaan macluumaadka rasmiga ah iyo jabka gaaray Khawaarijta oo waayadan dhibaato badan kala kulmaya ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ee howlgalka ka wada guud ahaan deegaanada Jubbaland.