Shir dhowr maalmood socdey oo degmada Doolow lagu soo gabagabeeyay.

115
Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa lagu soo afmeeray shir u dhexeeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland, kaas oo looga hadlayay qaabkii uu kusii socon lahaa, xalwaarana u noqon lahaa mashruuca dhamaanaya ee “Resilience Program (JRP)“ oo loo yaqaano adkaysiga wada jirka ee xalka waara.
Mashuurcan oo bahwadaag ay ku yihiin Wasaaradaha Qorsheynta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, ayaa waxaa goob joog ahaa inta badan Agaasimayaasha Guud ee Jubbaland.