Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo qaar kamida howlwadeenada Wasaaradda ayaa maanta xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FOA ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay oo Kismaayo soo gaaray.
Wafdiga kasocday Hay’adda FOA iyo madaxda Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland ayaa ka wada hadlay hanaanka ay kusocdaan mashaariic muhiim ah oo ay deegaanada Jubbaland ka wado Wasaaradda islamarkaana ay ka taageerayso FOA.