
Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Jubbaland ayaa maanta qabatay kulan lagu daah-furayey wajiga 4-aad ee mashruuca BORESHA.
Kulankaan oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dawladda Jubbaland mudane Mohamed-weli Ali ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha uu quseeyo Mashruuca BORESHA, Isku-duwaha Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland ee Gobolka Gedo iyo howlwadeenada qaar ka mid ah Wasaaradaha Dawladda Jubbaland.
Mashruuca BORESHA/NABAD oo ka howlgeli doona xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa xoogga saaraya u adkeysiga musiibooyinka dabiiciga ah sida; Abaaraha iyo Fatahaadaha, iyada oo la dhiirigelinayo horumarinta dhaqaalaha maxalliga ah iyo shaqo abuurka.




